Natiijada Imtixaanaadka fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare oo lagu dhawaaqay

Waxa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay natiiijada imtixaanaadka fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare.

Ardayda sannadka imtixaanaadka u fadhiisatay ay tiradoodu gaadhaysa 23, 339 arday, oo 13,985 arday ay ahaayeen dugsiga dhexe, halka dugsiga sarena ay u fadhiisteen 9,354 arday.

Sannadkan waxa kaalinta koowaad ee dugsiyada sare galay dugsiga gaarka loo leeyahay Nuuradiin ee Hargeysa, ardayga kaalinta koowaad waxa galay Cabdiraxmaan Maxamed Cige Jaamac.

Dugsiyada Hoose dhexana waxa kaalinta koowaad wada galay Nadiira Khadar Xasan Siciid oo dhigan jirtay dugsiga Al-khayr iyo Cabdiqani Mustafe Nuur Jaamac oo ka soo baxday Al-rayaan, labada dugsiba waxay ku yaalaan Hargeysa.

Waxa sidoo kale ka hadlay xaflada ku dhawaaqista natiijada imtixaanaadka wasiirka waxbarasha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, waxaanu yidhi:

“Ammaano, marka aan ammaano leeyahay, ammaanadu waa waxkasta oo Ilaahay ku saaray oo ah in sidii ugu soo baxdo oo ku shaqeeya kalsooni uuna hadal ka soo yeedhin, dhawrkii bilood ee imtixaanaadku socday halkaasaan fadhiyey, wali kalmad kama soo bixin aan idhaahdo sir baa la sheegay, aad iyo aad baa sirta imtixaanka ay u ilaaliyeen, Ilaahay baana ka jasaa’i siin.”

Guud sannadkan waxa kaalmaha hore ku guulaystay dugsiyada gaarka loo leeyahay.

bandhige@gmail.com