Nayjeeriya: Boqol qof oo ku dhintay qarax ka kacay warshad samaysa gaaska cuntada lagu karsado

Qarax ka dhashay warshad gaaska cuntada sameeyo oo ku taala magaalada Nnewi ee ka tirsan gobolka Anambra ee Koonfur Bari ayaa waxa ku dhintay dad gaadhaya boqol qof, inkastoo wararka tirada rasmiga aanu wali sugnay oo dad goob-joogayaal ahi sheegay in tirada dhimashadu gaadhay shan iyo sodon qof.

Wararka laga heli goobtaa ayaa wali war rasmiga laga haynin waxa dhaliyey qarax ka dhacay warshada, balse dad goob-joogayaal ahaa ayaa sheegay in dab weyn uu halkaasi ka kacay. Kooxaha dab-demiska iyo dadka deegaanka ayaa muddo saacado ah ku howlanaa deminta dabkaasi.

Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay, balse kama aanay hadlin tirada dadka ku waxyeeloobay. Shilkan ayaa naxdin ku abuuray dadka ku nool degmadaasi oo isu diyaarinayay munaasabadda ciidda Masiixiga.

Dhacdan ayaa waxay ku soo beegmaysaa wakhtiga dadka diinta Kiristan aaminsani u dabaal-degayaan munaasibadda ciida Kirismaska.

Dadweynaha Nayjeeriya ayaa waxay cabsi weyni ka qabaan in Boko Xaraam ay fuliso weeraro argagaxiso ay u geystaan dadweynaha Kiristanka ah ee u dabaal-degaya Ciida Masiixiga.

bandhige@gmail.com