Nayjeeriya: Guri cidla ah ayaa waxa laga helay 43 milyan oo doolar

 

In ka badan 43 milyan oo doolar ayaa laga helay guri laga guuray oo ku yaalla magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya, sida uu sheegay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Nayjeeriya.

Mas’uuuliyiintu waxay sheegeen inay weerareen gurigaasi markii lagu wargeliyay in haweenay dhar wasakheysan xiran ay boorsooyin badan gelisay gurigaasi. Dhaqdhaqaaqeeda ayay darisku ka shakiyeen.

Baarayaashu waxay sidoo kale ka helaan gurigaasi oo ka kooban afar qol £27,800 iyo 23 milyan oo naira oo u dhiganto $75,000, sida uu sheegay guddiga la dagaalanka dambiyada dhaqaalaha ee EFCC.

Wali lama shaacinin cidda leh iyo sida halkaa ay uga tagtay, balse guddigu wuxuu tuhunsan yahay in lacagtaasi lagu helay qaab aan sharci ahayn.

Bishii March ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaduna ee waqooyiga dalkaasi waxaa lagu qabtay $155,000.

bandhige@gmail.com