Nayjeeriya waxa laga xusay 20-guurada dilka qoraagii caanka ahaa ee Ken Saro-Wiwa

Dadweynaha Nayjeeria ayaa maanta xusay 20-guurada dilkii qoraagii caanka ahaa ee Ken Saro-Wiwa oo 10-kii November 1995-kii ay xukuumaddii Nayjeeriya ee wakhtigaasi daldashay isaga iyo 7 qof oo kale oo u doodayey xuquuqda aadamaha una ololayn jiray deegaanka.

Ken Saro-Wiwa waxay xukuumaddii Nayjeeriya isa seegeen kadib markii uu hor kacay mudaharaadyo iyo diidmooyin lagaga soo horjeedow wasakhowga hawada ee ay gobolka Niger Delta ay ku samayaysay shirkaddii muruqyada waaweyn ee Shell oo wakhtigaas qodista shidaalka iyo qaybintiisa ku hawlanayd.

Beesha Caalamka iyo ururrada xuquuqda aadamaha u dooda ayaa aad uga qayliyey goortii dilka lagu xukumay Ken Saro-Wiwa iyo saaxiibadii waxana loogu baaqay xukuumaddii milateriga ahayd ee Nayjeeriya in ay ka noqdaan xukunkaas, laakiin hoggaamiyihii macangagga ahaa ee wakhtigaas Nayjeeriya xukumayey Janaraal Sani Abacha dheg jalaq uma uu siin baaqyadii caalamiga ahaa iyo kuwii maxaliga ahaaba, 8-dii aqoonyahan ee u xidhnaa oo badankoodu isku beel ahaana dhegta ayuu dhiga u daray isagoo uga dan lahaa in dadka ka soo horjeedaa ay ku quustaan.

Ken memorial art bus
Gaadhi macmal ah oo lagu xusayey sababtii loo dilay Ken Saro-Wiwa oo xukuumadda Nayjeeriya la wareegtay isaga oo aan ka qaybgelin xuska

Dilka Ken Saro-Wiwa wuxu noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu caansanaa ee dunida soo maray 1995-kii iyadoo Nayjeeriya ku mutaysatay in laga saaro ururka Barwaaqo-Sooranka isla markaana lagu soo rogo cumo-qabatayno dhaqaale oo ba’an kuwaas oo la aaminsan yahay in ay markii dambe sahaydeen xukuumaddii milateriga ahayd.

Bas laga sameeyey daasado oo la macmalay oo foostooyin u eg kuwii shidaalka laga soo buuxiyey ayaa la rabay in maanta la soo mariyo dariiqyada magaalo-madaxda Nayjeeriya hase ahaatee xukuumadda ayaa joojisay iyadoo ka baqo-qabta in shariikadaha shidaalka iyo Nayjeeriya ay isku dhacaan.

Bandhige@gmail.com