Netanyahu wuxu ammaanay dadka Iiraan

 

Raysal-wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa baahiyey muuqaal uu ku ammaanayo dadka Iiraan, isaga oo isku dayaya in uu soo nooleeyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee dadka Iiraan, balse sidoo kale dhalleeceynaya hoggaamiyayaasha dalkaas.

Muuqaalkan ka kooban 80 ilbiriqsi ayaa lasoo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska Raysal-wasaaraha Israa’iil, ayuu Netanyahu ku sheegay in dadka Iiraan ay ka mid yihiin “Kuwa ugu hibada iyo guusha badan dunida.

Waxa uu shaaca ka qaaday shirkado waa weyn oo Mareykan ah oo ay aas-aaseen islamarkaana hoggaamiyaan dad kasoo jeeda Iiraan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Uber, eBay iyo Dropbox, wuxuuna kadib is-weydiiyey “Maxay Iiraan u tahay sabool, iyada oo dadkeeda ay sidan u aqoon badan yihiin”

“Jawaabti waa laba eray: Waa taliska” ayuu yidhi Netanyahu.

“Kali-taliyayaasha Iran waxay xadeen hantidii waddanka, waxyna ballaayiin dollar u weeciyeen barnaamijkooda nuclear-ka, si ay argagax ugu baahiyaan dunida iyo daan-daansigooda bariga dhexe” ayuu yidhi.

bandhige@gmail.com