Nicolas Sarkozy oo ka hadhay tartanka madaxweynenimada Faransiiska, wuxu taageeray Ra’iisal-Wasaarihiisii hore

 

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nocolas Sarkozy oo siyaasadda ku soo noqday dhawaan ayaa bishii August ku dhawaaqay in uu u taagan yahay madaxweynenimada Faransiiska. Hase ahaatee wuxu ka hadhay shalay kadib markii xisbigiisa dhexdiisa codayn ka dhacday lagaga badiyey iyadoo uu kaalinta saddexaad ku dhacay halkii uu ka filayey in uu kaalinta koowaad noqdo. Kadibna wuxu sheegay in uu tartanka ka hadhay isla markaana uu taageerayo Ra’iisal-Wasaarihii ka hoos shaqayn jiray wakhtigii uu madaxweynaha ahaa Mr.  Francois Fillon.

Codadka la bixiyey shalay oo tiradoodu wali socoto waxa safka hore kaga jira Francois Fillon, waxaana la filayaa in uu isagu noqdo murashaxa xisbigiisa Jamhuuriga u meteli doona doorashada madaxweynenimo ee muddaysan in ay dalkaas ka qabsoonto sannadka soo socda.

Iyadoo ay sumcadda xisbiga talada haya iyo madxweynaha hadda ee faransiiska François Hollande hoos u socoto, waxa la filayaa in ay madaxweyenimada ku guulaysan doonaan labada murashax ee ka soo baxaya xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan ciddii ka soo baxda xisbiga Jamhuuriga ee ay ka tirsan yihiin Nicolas Sarkozy iyo Francois Fillon.

“Waxan aad ugu kalsoonahay in dadweynaha Faransiisku ay isbeddelka u hiilin doonaan oo ay madaxweyne u dooran doonaan ciddii ku guulaysata murashaxnimada xisbiga Jamhuuriga” ayuu yidhi Francois Fillon oo sheegay in uu jecel yahay kuna daydo siyaasadihii haweenaydii Ra’iisal-Wasaaraha ka ahaan jirtay Ingiriiska Margret Tatcher.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha doorashada Faransiiska.

Bandhige@gmail.com