Booliis ayaa xidhay Arday reer Eeraan ah oo aad ugu eg ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.
Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Eeraan ayaa doonayay in ay sawirro la galaan Reza Parastesh, booliiska ayaana isaga iyo gaadhigiisiiba geeyay saldhigga si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo isugu soo ururay ninkan.
Mushkiladda ayaa billaabatay billooyin ka hor markii aabaha dhalay ninkan u eg Messi uu wiilkiisa ku qalqaaliyay in uu sawirro ku galo funaanadaha uu ku ciyaaro Messi ee ay dhabarka kaga qoran yihiin magaciisa iyo lambarka tobnaad ee uu ku dheelo.
Wiilkan 25 jirka ah ayaa intaas kadibna billaabay in uu timaha u jarto sida Messi gadhkana sii daysto.
Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in ay hadda dadku u arkaan Messi-gii reer Eeraan ayna doonayaan in aan matalo waxkaste oo uu sameeyo. Marka uu meelaha tagana ay dadku aad u yaabaan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waan ku faraxsan ahay in aragtidayda ay ku farxaan, farxaddaas ayaana dhiirigalin badan ka helaa.”
Warbaahin badan ayaa ka dalbatay in ay waraysi la yeeshaan, qandaraasyo xayaysiin dhar ayuuna helay.
Waxaa kale oo uu sheegay in uu baranayo xeelado kubaddeed si uu ugu sii ekaado Messi.