Nin hubeysan oo toban qof ku dilay Mareykanka

Nin hubaysan oo da’diisa ay boolisku ku sheegeen 26 jir ayaa toban qof ku dilay Gobolka Oregon gaar ahaan magaalada Portland.

Ninkan hubaysan weerar ku soo qaaday machadka Roseburg wakhti uu machadku bilaabayaa xiisadaha, gaar ahaan qaybta sayniska lagu barto. Weerarkan sidoo kale waxa ku dhaawacmay 7 qof.

Booliska ayaa waxay sheegeen in uu dhintay ninkii weerarka gaystay, sidoo kale baadhis hordhac ah oo ay boolisku sameeyeen ayey ku ogaadeen in ninka weerarka gaystay oo bartii ay bulsahada kuwada xidhiidhaan shalay ku soo qoray in uu weerar qaadi doono.

Booliska ayaan wali warar dheeraad ah ku saabsan weerarkan soo saarin.

Dhinaca markii dhacdadu dhacday ayaa waxa cadhooday Madaxweyne Obama oo sheegay in dilal toogashada ahi ku badanayaan dalkiisa, isagoo ka hadlaya dilalka soo noqnoqdana waxa uu yidhi:

“Waxaan nahay dalka kaliya ee ugu horumarsan adduunka, kaas oo toogasho tiro badan oo dad ah arka dhowrkii bilood mar.”

Dhacdadani ardayda lagu laayey ayaa noqonaysa tii 45 aad ee ka dhacda goobaha waxbarashada oo weeraro lagu bartilmaamsaday.

Machadka Roseburg ayaa waxa dhigata arday gaadhaysa ilaa 3000 arday.

bandhige@gmail.com