Nin laga shakisan yahay in uu Jaamacadda Cammuud dhigan jiray oo Facebook-giisa ku muujiyey in uu diinta Islaamka ka baxay

Nin magaciisa ku soo gaabiyey Ahmed Ahmed oo hadda deggan Minneapolis, Maraykanka, sida ka muuqata xogta ku duugan Facebook-giisa, ayaa si furan u shaaciyey in aanu diin lahayn, taas oo ka dhigaysa in uu ka mid noqday dadka loo yaqaan “atheist” Soomaaliduna u taqaan “Alle-diid.”

“Ilaahay ma jiro, cadaabtana ma tagi doontid” ayuu ku qoray halka la geliyo sawirka “profile-ka” loo yaqaan ee Facebook-giisa.

Sidoo kale mid ka mid ah farriimaha uu meesha ku qoray wuxu Nebi Muxamed CSW barbar dhigay Hadraawi. Wuxuna yidhi:

“Shaki weyn baa ku jira in uu Qur’aanka Maxamed kaligii curiyey. Xataa haddii uu kaligii curiyey waxaynu ku tilmaami karnaa uun in uu sida Hadraawi ahaa gabyaa weyn ” ayuu yidhi Axmed Axmed.

Axmed Axmed Facebook page

Axmed Axmed waxa uu qoraalladiisa u adeegsanayaa Af-Ingiriisi, wuxuna Facebook-giisa ku xusay in uu wax ka bartay Jaamacadda Augsburg College oo Maraykan ku taal.

Mid ka mid ah qoraallada uu baahiyey wuxu ku sheegay in uu ka soo jeedo qoys diinta aad ugu xidhnaa.

Waxa uu Facebook-ga ku darsaday 344 saaxiib oo u badan dadkii hore wax uga soo dhigtay Jaamacadda Cammuud ama kuwa haatanba dhigta iyo weliba dhallinyaro kale oo reer Boorama ah.

Axmed Axmed macalimiintiisii
Sawirkan oo ku taariikhaysan 1995 Axmed Axmed wuxu ku baahiyey Facebook-giisa, wuxuna ku hoos qoray “taariikhdu way xusi doontaa macalimiintan”. Waxay u eg tahay in uu yahay dugsigii uu dhigan jiray iyo macalimiintiisii.

Bandhige wuxu la xidhiidhay ardaydii hore ee Jaamacadda Cammuud gaar ahaan qaar ka mid ah kuwa uu Facebook-ga ku darsaday si uu wax uga ogaado tafaasiishiisa sakhsiga ah, laakiin waxa ay sheegeen in aan si sugan loo garan karin maadaama aanu magaciisa dhammaystirin amaba laga yaabo in uu adeegsanayo magac aan kiisii ahayn.

Waxayse sheegeen in ay u malaynayaan in uu yahay qof dhigan jiray Jaamacadda Cammuud isla markaana mar wax ka baran jiray dugsiga sare ee Al-Aqsa ee Boorama ka hor intii aanu Cammuud wax barashada ka bilaabin sida ka muuqata qoraal uu baahiyey 2-dii September 2015 oo uu cinwaan uga dhigay “ From Al-Aqsa to Atheism” oo sida muuqata uu uga jeedo “Wax ku soo bartay Al-Aqsa haatana diinlaawe ah.”

 

Axmed Axmed Maqaal uu ku baahiyey Facebook-ga

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha arrintan.

Bandhige@gmail.com