Ninkii labaad oo Afrikaan ah ayaa isku soo sharaxay jagada Madaxweynenimada FIFA

Segun Odegbami oo u dhashay Nayjeeriya ayaa ku dhawaaqay in uu sharaxan yahay jagada madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo doorashadiisu dhici doonto Feebarwari 2016, hore waxa isku sharaxay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya Musa Bility.

Segun Odegbami oo haatan 63 jir ah ayaa waddankiisa u qaaday koobka Qaramada Afrika sannadkii 1980-kii.

Segun Odegbami ayaa sheegay in damiciisu ahaa in uu isbadal ku sameeyo kubbadda hadday tahay kan dalkiisa iyo ta caalamka.

Madaxii hore ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta Yurub Micheal Platini iyo Chung Mong-joon oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa ka mid ah dadka ku dhawaaqay in ay tartamayaan.

Jagada Madaxweynenimada FIFA ayaa sannadka musharixiin badani loolan ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen.

bandhige@gmail.com