Niyadjab ka dhashay Golaha Wasiirrada ee Madaxweynaha cusub ee Zimbabe

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe  Emmerson Mnangagwa ayaa maanta shaaciyey Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 22.

Dadweynaha Zimbabwe in badan oo ka mid ah ayaa niyadjab ku qaabilay Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Mnangagwa kadib markii ay arkeen xubno caan ahaa oo ka tirsanaa xukuumaddii Mugabe iyo saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Zimbabwe oo lagu soo daray Golaha.

“Wax isbeddel ahi ma jiraan, waa wajiyadii hore uun” ayay yidhaadeen dad la hadlay wakaaladaha caalamiga ah ee wararku.

Wajiyada caanka ah ee ku soo biiray Golaha Wasiirrada ee Zimambwe waxa ka mid ah odayaashii hor kacayey afgambigii lagu sameeyey Robert Mugabe sida  Mayjar Jeneraal Sibusiso Moyo oo noqday Wasiirka Arrimaba Dibedda iyo Taliyihii Ciidanka Cirka Zimbabwe Perrance Shiri oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha.

Si kastoo ay tahay, haddana wali dadku waxay rajo badan ka qabaa in si uun ay isku beddeli doonto nolosha Zimbabwe Mugabe dabadii. Gaar ahaan waxa laga filayaa Madaxweyne Mnangagwa in uu wax ka qabto shaqo la’aanta ba’an ee dalkaas ka jirta.

Bandhige@gmail.com