Obama iyo Putin oo ka wada-hadlay colaadda Suuriya

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka Obama iyo Putin oo ka qayb galayey shir Golaha Amaanka ee ka dhacay New York, ayaa waxay shirka ka dib wada yeesheen kulan gaara oo ay kaga wada-hadlayaan sidii xal siyaasadeed oo waara looga gaadhi lahaa colaada daba dheeraatay ee ka aloosan Suuriya.

Hore waxa kulan u yeeshay wasiiradda Arrimaha Dibedd Maraykanka iyo Ruushka  John Kerry iyo Sergei Lavrov oo iyago qayb ka ah raadin xal siyaasiya oo ka hirgala Suuriya.

Waxa jir heshiis ay wadaan waddanka Maraykanku oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka soconaya Suuriya, hase waxa heshiiskaa hadheeyey khilaaf ba’an oo u dhexeeya waddamada Ruushka iyo Maraykanka oo kala taageera xukuumadda Basher Al-asad iyo xoogaga ka soo horjeeda.

Heshiiskan ayaa waxaan ku cadayn waxa uu noqonayo mustaqbalka dambe Madaxweyne Bashaar Al-Asad oo la doonayo in xukunka laga rido.

Putin ayaa waxa uu sheegay in ay dhigiisa Maraykanka Obama uu la yeeshay kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha Suuriya ka taagan.

Putin ayaa waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu xoojinayo ciidamada Suuriya si ay ugu hortagaan kooxaha xagjiriinta, sidoo muu sheegin Madaxweyne Putin in dalkiisu ciidamo gaynayo Suuriya.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay diyaaradaha dagaalka Ruushku duqeymo ka gaysan doonaan meelaha ay ku xoogan yihiin xagjiriinta balse ay ixtiraami doonaa xeerarka caalamiga si ka duwan duqeymaha ay xulafada Maraykanku geystaan.

Sidoo sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Obama iyo Putin ay isla qaateen in ciidamadooda kawada hadlaan sidii looga fogaan lahaa isku dhac ku dhexmaray dagaalka Suuriya inta ay hawlgalada ku jiraan.

bandhige@gmail.com