Obama oo Guddoominayey shirkii labaad ee lagaga hadlayo dagaalka lagu jiro Daacish

Madaxweyne Barak Obama ayaa Guddoominayey shirkii labaad ee lagaga hadlayo dagaalka lagaga soo horjeedo kooxda Daacish.

Obama ayaa sheegay in waddamo iyo ha’yado badan ay ka soo jawaabeen in ay xubin ka noqdaan dhaqdhaqaaq lagu burburinayo kooxda Daacish.

Obama ayaa waxa uu ka warbixiyey wixii u qabsoomey isbahaysiga dagaalka kula jira kooxda Daacish, isla markaana waxa uu intaas ku daray in aanu dagaalka Daacish aanu fududeyn, dhakhsana una dhamaaneyn dagaalkaasi.

Obama ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay waddamada in dalalka Nayjeeriya, Tuuniisiya, iyo Maleesiya ay ka mid noqdeen dalalka ka badan 60-ka dal ee ku bahoobay isbahaysiga la dagaalanka ururka Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

bandhige@gmail.com