Ololaha Dardar-gelinta Hoos-u-dhiga Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka Somaliland loo xilsaaray Haya’ada UNFPA

????????????????????????????????????

Ololaha Dardar-gelinta Hoos-u-dhiga Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka Afrika ee magaciisa marka lasoo gaabi loo yaqaano (CARMMA) oo wakiil ka tahay marwada koowaad Aamin Maxamuud Jirde ayaa u xilsaaray Haya’ada UNFPA in ay gadhwadeen ka noqoto.

Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee ujeedadiisu tahay hoos-udhiga dhimashada hooyada iyo caruurta yaryar iyo guud ahaan tayeeynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka si markaas loo dar-dar-geliyo ololaha oo wax lagaga bedelaayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka ayaa waxa Somaliland Ololahan laga dhawaaqay 9-kii bishii Sibtambar 2014.

Ujeedada kulankaasi lagu daah furay ololaha CARMMA ayaa ahaa mid lagu hirgelinaayo qorshihii Midowga Afrika ee dhaqan gelinta hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka reer afrika. qorshahan oo ahaa mid ay ansixiyeen wasiirada caafimaadka dalalka afrika ee kulankoodu ka qabsoomay dalka Mozambique bishii September ee sanadkii 2006.

Ololaha CARRMA ayaa xooga saaraya afartan qodob

  1. Xoojinta hawlaha joogtada ah ee lagu tayeynaayo daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.
  2. Soo saarista iyo isticmaalka warbixinta caafimaadka guud, da’yarta, hooyada, dhalaanka yar yar, iyo caruurta oo markaa fiiro gaara la siinaayo, dhimashada hooyada xaamilada ah/dhalaysa iyo dhalaanka yar yar, caafimaadka iyo xuquuqda da’yarta, la dagaalanka tacadiyada sababi kara caafimaad daro.
  3. U ololaynta taageerada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka yar yar oo laga dhex ololaynayo daneeyayaasha sida xukuumadda, tiiyoo la dareensiinaayo in qofkastaa door ku leeyahay in uu buuxiyo daryeelka caafimaadka iyo hoos-udhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka.
  4. Dardar-gelinta hawlaha hoos lagu dhigaayo dhimashada hooyada xaamilada ah ama dhashay iyo dhalaanka yaryar iyo caruurta

Ololaha CARRMA ayaa ah mid waxweyn ka tari dhimasho hooyada iyo dhalaanka, iyo sidoo abuurista goobo caafimaad hore oo ay helaan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com