Ololaha Xakameynta Tacadiyada Haweenka ayaa ka bilaabmay Somaliland

Wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska JSL, ayaa maanta si rasmiya guud ahaan gobollada dalka uga furtay ololaha xakameynta tacadiga haweenka.

Ololahan ayaa ah 16 ka cisho ee ka hortaga tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul ee ku nool guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Munaasibada daahfurka ololaha 16-ka cisho ee ka hortaga tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul ee lagu qabtay magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay xubno ka mida golaha wasiiradda, agaasimayaal guud, saraakiil ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah iyo marti sharaf kale, waxaaney dhammaan ma’suuliyiintii madasha kasoo qayb-galay ay dul istaageen dhibaatooyinka tacadi ee la xidhiidha dadka nugul.

Sidoo kale magaalooyinka Berbera, Burco iyo Ceerigaabo ayaa lagu laga daahfuray ololaha 16-ka cisho ee ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul, isla markaana laga jeediyay khudbado u badan sidii looga waantoobilahaa tacadiga haweenka iyo dadkan nugul.