Olole caafimaad oo lacag la’aan ah oo laga sameeyay degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer.

Olole caafimaad oo lacag la’aan ah oo laga sameeyay degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer.

Maamulka Degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer ayaa sameeyay olole Caafimaad oo ay iska kaashadeen maamulka degmada Qoryaale iyo dhaqaatiir madax banaan ee kasoo jeeda degmada.

Ololahaan ayaa waxa ka faa’idaystay inka badan 500 oo qoys kuwaasi oo loo sameeyay baadhitaanada Caafimaadka guud, cabirada dhiiga, iyo cudurada caruurta ku dhaca.