Olole lagu dalbanayo in lagu soo xidho Netanyahu ayaa cirka isku shareeray Ingiriiska

Dad ka badan 76,000 oo qof oo Ingiriis ah ayaa saxeexay isla markaana dalbanaya in la soo xidho Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyagoo ku eedeeyey in uu dambiyo dagaal oo xuquuqda aadamaha ka dhan ah gaystay wakhtigii ay socotay duqayntii ay Israa’iil ku ekeysay marinka Qaza 2014-kii, kaas oo ay ku dhinteen  2,200 oo falanstiiniyiin ahi tiro intaa aad uga badanina ay ku dhaawacmeen.

Ololahan ayaa ku soo beegmay iyadoo la filayo in Ra’iisal-Wasaare Netanyahu uu yimaad Ingiriiska bisha 9aad.

“Marka aan runta kuu sheego ma filayo in xukuumadda Ingiriisku ay soo xidhi doonto Netanyahu marka la eego waxa ay ku sheegaan shuruucda caalamiga ah. Laakiin waxanu rabnaa in aanu Netanyahu tusno in ay Ingiriiska ku nool yihiin dad badan oo aan doonayn in uu halkan yimaado” sidaas waxa yidhi Damian Moran oo ka mid ah dadka saxeexay in la soo xidho Netanyahu.

Tirada dadka saxeexay marka sharciga Ingiriiska la eego waxa ay kor u dhaaftay tiradii loo baahnaa ee khasabka ka dhigaysay in xukuumadda Ingiriisku ay jawaab ka bixiso, taas oo ah 10,000 oo qof.

Haddii dadka saxeexayaa ay ka bataa 100,000 oo qof, waxa khasab noqonaysa in arrinka lagaga doodo baarlamaanka. Iyadoo ay todobaadkyo ka hadhsan yihiin wakhtiga Netenyahu rabo in uu yimaad Ingiriiska, waxa la filayaa in tirada arrinkan saxeexaysaa ay xoog kor ugu dhaafto 100,000 oo qof.

Hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda ayaa intii dagaalkii Qasa ka dambaysay ku soo celcelinayey in ay Israa’iil gashay xad-gudubyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, taasina waxay sababtay in arragtidii dadweynaha waddamada galbeedka ee ku aadanayd Israa’iil ay bilawdo in ay isbeddesho.

Il-Wareed: Aljazeera