Oscar Pistorius waxa lagu helay fal-dambiyeed dil ah

Kiiska Oscar Pistorius waa mid ka mid ah kiisaskii dhinaca caddaaladda ugu caansanaa ee dunida casriga ah soo mara. Dacwaddiisu waa ay bilaabantay kadib markii uu khaarajiyey gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo la odhan jiray Reeva Steenkamp Maalintii Jacaylka, 14 February 2013.

Oscar Pistorius waa ciyaarhanka ugu caansan dadka naafada ah. Labadiisa lugoodba waa ay go’an yihiin. Wuxu xidhaa biro uu ku socdo kuna ordo, wuxuna ciyaarihii Olympics-ka ee lagu qabtay London 2012-kii ku guulaystay billadda dahabka ee orodka.

Bishii Sebtember 2014-tii ayaa maxkamadi ku heshay in uu si kama’ ah u rasaas ugu dilay saaxiibaddii iyadoo ku jirta musqusha goor saq dhexe ah. In kastoo ay maxkamaddu wakhtigaas sheegtay in ninkan lagu waayey kiiskii lagu soo oogay ee ahaa di u-kas ah haddana waxa lagu yelay ka fiirsi la’aan iyo dayac keenay dhimashada saaxiibaddii Reeva.

Kadib markii uu ka soo laacay hal sanno oo xadhig ah oo jeelka dhexdiisa ah, waxa bishii ina dhaaftay u bilaabya xabsi-guri lagu xukumay in uu ku jiro muddo shan sanno ah.

Hase ahaatee maanta ayaa Maxkamadda Sare ee Racfaanka ee Koonfur Afrika ay beddesha xukunkii hore, kuna heshay dambiga ah dil u-kas ah. Sida sharciga Koonfur Afrika dhigayo, qofna laguma xukumi karo xabsi guri wax ka badan shan sanno, sidaas daraadeed sida muuqata Pistorius wuxu ku laaban doonaa xabsiga.

Maxkamadda Sare ee Racfaanka ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sababta ay xukunkan u beddeshay ay tahay kadib markii ay heshay khaladaad ku jiray hannaankii loo qaaday xukunkiisii hore.

“Su’aasha ugu muhiimsan ee aan la is waydiini waxa ay ahayd markii uu falkan ku kacayey ma sii ogaa in ciddii xabaddiisu cuskato ay dhiman doonto” ayuu yidhi xaakinka maxkamaddu.

Dilka ayaa ciqaabtiisa ugu fudud ee Koonfur Afrika ay tahay 15 sanno. Hase ahaatee xaakinnada maxkamadda sare waxay awood u leeyihiin in ay intaas waxoogaa ka khafiifin karaan haddii la eego duruufo gaar ah.

Kiiska Pistorius wuxu soo jiitay indhaha caalamka iyadoo warbaahinta dunidu ay si dhow ula socotay ulana socoto hadba heerka uu kiiskiisu u gudbo.

Bandhige@gmail.com