Pentagon-ku wuxu qirtay in hub maraykanku lahaa gacanta laga geliyey argagixiso

Guriga looga arrimaha difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka loo yaqaan ayaa shaaciyey in ay ogaadeen in hub Maraykanku uu ugu deeqay mucaaridka Suuriya gaar ahaan kooda la yidhaa New Syria Defense (NSD) kuwaas oo dhawaan uun la tababaray ay hubkii loogu deeqay ku wareejiyeen koox argagixiso ahaan u diwaangashay oo ka dagaalanta Suuriya oo magacooda la yidhaa Al-Nusra Front kuwaas oo caddaystay in ay maamul ahaan hoos yimaadaan Al-Qaacida.

Sidaas waxa saaka sheegay Kabtan Jeff Davis oo ah af-hayeenka guriga Pentagon-ka ee wasaaradda difaaca.

Baabuurta ay NSD wareejisay waa lagu qiyaasay ilaa lix gaadhi oo gaashaaman iyo hub kale oo fudud, kuwaas oo u dhigma 25% hubkii uu jabhadahaas Maraykanku siiyey.

Arrintani waxay dib-u-dhac ku tahay istiraatijiyaddii ay xukuumadda Maraykanku ku doonaysay in ay ku taageerto mucaaridka Suuriya si ay iyaguna ula dagaalamaan argagixisada ka hawlgasha Suuriya iyo xukuumadda Bashaar Al-Asad.

Bandhige@gmail.com