Pep Guardiola waxa uu heshiis saddex sanno ah la galay kooxda Manchester City

Jordi Cruyff waxa uu muddo haatan laga joogo 46 sanno ka hor khadka weerarka uga ciyaari jirey kooxda reer Isbayn ee Barcelona, waxa uu tallo adag u soo jeediyey tababarihii hore ee Barcelona imikana ah tababaraha cusub ee Manchester City dhawaan loo caleemo saari doono ee Pep Guardiola, isagoo kula taliyey in uu tago dhigeeda Manchester United, waxaanu yidhi:

“Guardiola may habooneyn in uu go’aan ku qaato maamulida Manchester City isagoo haystay dalabaad uga imanaayay dhanka Manchester United.”

Cruyff waxa uu ku go’aan adkaa in uu Guardiolla ka faa’iideysto culeyska iyo canaanta lagu hayo Tababaraha haatan jooga United ee Louis Van Gal,  waxaanu isagoo hadalka sii wata yidhi:

”Waxaan aad ula jeclaa saaxiibkey in uu tababare u noqdo kooxda shaydaamad cas-cas ee Man United, waxay ka qani sanyihiin, ka nolol fiican yihiin Man city.”

Guardioloa waxa uu heshiis saddex sanno ah qallinka ku duugay in uu lawareego tababaronimada kooxda Manchester City, isagoo kasoo wareegaya kooxda reer Jarmal ee Bayer Munich, xili ciyaareedkan 2015-16ka.

bandhige@gmail.com