Pharo Vocational Training Center, Hargeisa, oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska waxay bixinaysaa tababarro xirfadeed

Pharo Vocational Training Center, Hargeisa, oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska waxay bixinaysaa tababarro xirfadee oo kala ah: (1)Electrical Installation and Solar Energy (Level 1&2), (2) Plumbing and Pipefitting (Level 1&2), and Painting and Decoration (Level 1).

SHURUUDAHA

1: Waa Inuu dhammaystay ama dhexda kaga tegey waxbarashada dugsiga sare ama hoose/dhexe.
2: Ama inuu leeyahay aqoon u dhiganta dugsi hoose/dhexe isla markaana heerkiisa akhris, faham iyo qoraal ee maaddooyinka Soomaaliga, Ingriisiga iyo xisaabtu aad u wanaagsan yahay.
3: Waa In aanu lahayn wax balwad ah oo waxbarashada ka mashquulinaysa.
4: Waa Inay da’diisu u dhexayso 18 jir ilaa 30 jir.
5: Waa Inuu yahay muwaaddin u dhashay Somaliland, degganna magalaada Hargeysa.
6: Waa in aanu wax shaqo ah hadda gacanta ku hayn oo uu labada gelinba iman karo xarunta tababarka.
7: Waa Inuu yahay qof xiisaynaya kana go’an tahay barashada xidhidda xirfadda uu dhiganayaa isla markaana raba inuu ku shaqo tago.

IS-QORISTA
1: Soo qaado shahaado dugsi hoose/dhexe, dugsi sare ama waxbarasho u dhiganta ama cadaymo kale oo ah in aad aqoon u leedahay maaddooyinka Soomaaliga, sixaabta, iyo Ingiriisiga.
2: Laba sawir oo kura.
3: Kaadhka dhalashada (Somaliland National ID)
4: Warqad codsi (tababarka ka aad rabtid ku codso)

DIIWAANGELINTU WAXAY SOCONAY 1/8/2023 ILAA 15/8/2023 7:30 Aroornimo ilaa 12:00 duhurnimo.

Tababarku waxa uu soconayaa muddo 8 bilood ah.
Maalmaha class yada la dhiganayo waa Sabtida ilaa Arbacada, 7da aroornimo ilaa 12ka duhurnimo.

TILMAANTA XARUNTA
Bariga Hotelka Dhoolayare, ku xigta Haldoor Hospital

Ama nagala soo xidhiidh 063-7149477