Pierre Claver Mbonimpa oo u ololeeya xuquuqda bani’aadamka Burundi ayaa lagu dhaawacay Burundi

Pierre Claver Mbonimpa oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xuquuqul insaanka Burundi ayaa si xun loogu dhaawacay weerar ka dhacay Bujumbura, maalin kadib dilkii jenaraal ay aad iskugu dhowaayeen Madaxweyne Peirre Nkurunziza.

Pierre Claver Mbonimpa oo ku sii socda gurigiisa ayaa waxa toogasho ku dhaawacay nin hubaysan oo watay dhug-dhugley.

Mbonimpa ayaa waxa uu ka shaqaynayey u doodista xuquuqda maxaabiista iyo arrimaha bini aadamnimada taas oo uu ku helay sumcad balaadhan oo caalamka oo dhan ah.

Madaxweyne Pierre ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtooyadda bishii hore ee muranka badan dhalisay ee mucaaridkuna qaadaceen.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay rabshadu ka socda waddanka Burundi, in 158,000 waxay u qaxeen waddamada jaarka sida lagu sheegay warbixin Qarama Midoobay soo saartay dhawaan.

bandhige@gmail.com