Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Tukeraq Deeq ugu geeyey Ciidanka Qaranka

 

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo bare sare ka ah Jaamacado Ku Yaala wadanka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay gaadhay Jiida Hore ee Tukeraq oo ay in muddo ah isku hor fadhiyeen Ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa Puntland.Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Deegaankan ayaa dhawr bilood ka hor ciidamada Qaranka Somaliland ay kala wareegeen kuwa Puntland, waxaana ilaa iminka deegaankaasi ka talinaya Somaliland.

Socdaalka Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ay sidoo kale ku wehelinayaan xubno ka tirsan xukuumadda iyo labada Gole ayaa waxa uu ciidamada Qaranka ee Halkaasi fadhiisinkoodu uu yahay ku gaadhsiiyay deeq xoolo nool ah oo tiradoodu dhan tahay 50 neef oo adhi ah.Image may contain: 1 person, smiling, standing, tree, outdoor and closeup

Safarka Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee uu halkaasi gaadho, waxaana lagu wadaa in uu sidoo kale soo maro deegaano  kale oo ka tirsan gobolka Sool.

Deegaanka Tukeraq ayaa ah xuddunta Muranka labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland, waxaana saacad walba laga filan karaa Dagaal Mar kale dib uga qarxa deegaankaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com