Prof Axmed Ismaacil Samatar ayaa kulan ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahanka Jaamacadahu ku soo bandhigay Barnaamij-siyaasadeedka cusub ee Xisbiga KULMIYE

 

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen aqoonyahan ka kala socday jaamacadaha dalka ku soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga KULMIYE ku galayo doorashada doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay ka dhacdo dalka 13-ka bisha November 2017.

Kulanka oo ka dhacay hoolka Green Plaza ee magaalada Hargeysa caawa, kana qaybgaleen boqolaal dhallinyarada iyo aqoonyahanka jaamacadaha dalka ka mid ah, ayaa Prof. Samatar uu si waafi ah ugu sharraxay mabaadi’da iyo qaybaha uu ka kooban yahay barmaamijka siyaasiga ah ee xisbiga KULMIYE mar labaad isugu diyaariyey in shacabku ku doortaan si uu u sii wado waxqabadka iyo hoggaaminta waddanka, isagoo ku dheeraaday qodobada ka hadlaya qorshayaasha xisbigu u diyaariyey horumarinta arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, kalsoonida bulshada, kor u qaadida adeegyada baahiyaha qaybaha shacabku ka kooban, maamul-wanaagga iyo aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Prof, Axmed Samatar waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey hoggaaminta murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo hamigiisa aragtiyaha wanaagsani ku dheehan yihiin ee uu doonayo inuu wax kaga qabto dhibaatooyinka Somaliland la daalaadhacayso waqtigan, kuna gaadhsiiyo horumar baaxad leh oo loo aayo mustaqbalka.

Sidoo kale, Prof. Samatar waxa uu aqoonyahankii ka qaybgalay kulanka uga jawaabay su’aalo badan oo ay ka waydiiyeen barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo qorshayaashiisa uu ka leeyahay arrimo kala duwan oo ka mid ah baahiyaha bulshada.

bandhige@gmail.com