Puntland: Al-Shabaab oo sheegtey weerar xalay ka dhacay magaalada Bosaso

Dabley hubeysan ayaa habeenimadii xalay weeraray saldhigga booliska ee Baalade ee dhaca Galbeedka Bosaso.

Dableyda ayaa weerarkooda u adgeesadey bombaanooyinka gacanta laga tuuro, kadibna waxaa xigey rasaas xooggan oo la is dhaafsanayo.

 Ciidanka Booliska ayaa iska caabiyey dableydii soo weerartey sida uu Taliyaha qaybta Gobolka Bari Col. Cabdixakiin Yuusuf Xuseen u sheegey VOA, waxaana uu xaqiijiyey in taliyihii Saldhiggaas uu dhawac fudud soo gaarey.

Weerarada caynkan oo kale ah ayaa lagu yaqanaa kooxda al-Shabaab. Warbaahinta al-Shabaab ayaa sheegatey in kooxdoodu ka danbeysey weerarkan.