Qadar waxay dirtay kun askari oo ka qaybqaata dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta

Qadar ayaa gaystay dalka Yaman ku dhowaad kun askari oo ka qayb qaata dagaalka ay Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaminayo ee lagaga soo horjeedo kooxda Xuutiyiinta.

Illo wareedyo ka agdhow xuduudka Yaman iyo Sucuudiga ayaa sheegay in ciidamada Qadar wateen in ka badan 200 oo gaadiidka ciidamada oo gaashaaman iyo 30 ilukabtarka dagaalka ah.

Sidoo kale waxay ilo wareedyadaasi sheegay in ay imika ciidankaasi ku sii jeedaan gobolka Maareb si ay ugu biiraan ciidamada Isbahaysiga ee Sucuudigu hoggaaminayo.

Sidoo kale waxa la filayaa in ciidamo kale oo dheeraada oo Qadar ahi ku soo biiri doonaan ciidamada Isbahaysiga.

bandhige@gmail.com