Qaddaafi inankiisii Seyf-Al-Islaam waxa lagu xukumay dil toogasho ah

Maxkamad ku taal Liibiya ayaa dil toogasho ah maanta ku xukuntay wiilkii caanka ahaa ee uu dhallay Qaddaafi oo magaciisu ahaa Seyf-Al-Islaam Mucamar Al-Qaddaafi.

Sidoo kale waxay maxkamaddani dil ku xukuntay 8 qof oo ka ag dhawaa Qaddaaafi kuwaas oo awooddoodii waayay markii kacaanku Liibiya ka curtay 2011-kii.

Waxa maxkamadda saaray in ka badan 30 sarkaal oo gacan-saar la lahaan jiray Kornayl Mucamar Al-Qaddaafi, waxana loo haystaa in ay cabudhiyeen mudaharaadeyaal si nabad-qabta u bannaan-baxayey.

Seyf-Al-Islaam wuxu muddo dheer gacanta ugu jiraa kaabo-qabiil ka soo jeeda deegaanka Zintan, markii hadda la xukumayna muu joogin maxkamadda.

Dadka iyaguna dil-sugaha ah waxa ka mid ah taliyihii sirdoonka Liibiya Cabdullaahi Al-Senuusi iyo Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Liibiya Baqdaadi Al-Maxamuudi.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dabiyada ayaa iyaduna baadi-goobaysa Seyf-Al-Islaam iyadoo waaran u soo jartay sannadkii 2011-kii. Isaga iyo saraakiil kale ayay maxkmaddu ku eedaysay in ay gar iyo gardarroba ku difaacayeen nidaamkii Mucamar Al-Qaddaafi taas oo sababtay in ay cagaha la galaan dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Kooxaha xuquuqda aadamaha u ololeeya ayaa ka soo horjeeday in Seyf lagu maxkamadeeyo Liibiya iyagoo tilmaamay in hannaanka caddaaladda ee liibiya uu xagal-daacsan yahay taasina ay sababi doonto in uu kiiska Seyf-Al-Islaam caddaalad-darro ku dhaco.

Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com