Qalab Cusub oo Kastamka Madaarka Hargeysa lagu soo kordhiyey

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mudane. Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa xadhiga ka jaray Qaboojiye cusub oo loo keenay madaarka Hargeysa.

Qaboojiyaha cusub ayaa la sheegay in lagu keydin doono badeecadaha aan cadceeda u adkaysan, sida cuntooyinka, dawooyinka, khudrada iwm.

Munaasibadii xadhig ka jarida Qaboojiyaha cusub oo masuuliyiin kala duwan oo Wasaarada Maaliyaddu hadalo ka jeediyeen ayaa Agaasimaha Guud Md. Mu’adinku sheegay inuu muhiimad weyn u leeyahay adeegyada Kastamka madaarku bulshada u qabto.

“Kastamka madaarka Hargeysa, waxuu helay markii u horeysay qaboojiye lagu keydiyo badeecadaha cadceeda laga ilaaliyo.”

Qaboojiyaha waxa lagu keydin doonaa badeecadaha sida dawooyinka, talaalada, cuntooyinka qaarkood iwm.

Md. Mu’adin ayaa sheegay in macaamiisha kastamka Hargeysa u fududaan doonto inay badeecadahooda oo la daryeelay ugu yimaadaan kastamka.

Waxuu sheegay in Wasaarada Maaliyaddu u tababartay shaqaale ka hawlgala daryeelka iyo nadiifinta qaboojiyaha cusub, isla markaana qaboojiyahu sii wanaajin doono adeegyadii hore kastamka madaarku macaamiishiisa u qaban jiray.

Maamulaha kastamka Madaarka Axmed Muumin oo hadal ka jeediyey ayaa ka waramay baahiyaha loo qabay qaboojiyaha cusub.

“aad baan uga mahadcelinaynaa madaxda Wasaarada Maaliyadda, Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud hawlgalka balaadhan ee ay noo sameeyeen.”

 

Bandhige@gmail.com