Qaramada Midoobay ayaa si wayn u canbaaraysay xadgudubyada iyo dhibaatada lagu hayo muslimiinta dalka Myanmar, kaas oo sida warbixino kala duwani shaaca ka qaadeen lagula kacay tacadigii ugu xumaa qarnigan

Xoghayaha qaramada midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay xaalada Muslimiinta Rohingaha loo yaqaano dalka Myanmar, ayaa sheegay in lagu hayo xad gudubyo iyo faquuq heerkii ugu sareeyay gaadhay.

Xoghayaha qaramada midoobay ayaa tilmaamay in lix sanadood laga joogo wakhtigii dhibaatada dadkan lagu hayaa qaraxday ee ay xadhkaha goosatay, laakiin ay la yaab tahay in aanay ilaa wali wax ka soo rayn ahi jirin oo tacadiyadii ka dhanka ahaa sii kordhayaan.

Antonio Guterres ayaa dhibaatada dadkaas lagu hayo ku macneeyay xad gudub qorshaysan oo si laga baaran degay loogu fulinayo, waxa uu xusay in malaayiin la baro kiciyay, malaayiin kale la waayay, boqolaal qoysna madax furasho loo haysto.

Xoghayaha ayaa dallalka jaarka la ah waddanka Burma u soo jeediyay inay dadka qaxootiga ah xuquuqdooda siiyaan oo magan geliyaan, sidoo kale waxa uu maamulka milatariga ah ee dalkaas u soo jeediyay inay degdeg dhibaatadan u xaliyaan, haddii kale masuuliyada ay qaadi doonaan oo iyaga lagu maxkamadayn doono.

Laba milyan iyo sagaal boqol oo kun oo ka mid ah dadkan ayaa baro kacay dhulkoodi, kuwaas oo labo milyan oo ka mid ahi qaxooti ku yihiin dalka Bangladesh, halka boqolaal kun oo kale wali lagu dhibaataynayo gobolka Arakan ee asal ahaan ay dadkani degaan.