Qaramada Midoobay oo ansixisay weerar lagu qaado kooxda Daacish

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qaraar cusub oo u ogolaanaya dhammaan dalalka dunidda u awooda badani in ay ka qayb galaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish ee ka jirta dalalka Suuriya iyo Ciraaq, qaraarkan ayaa waxa uu imanayaa todobaad ka dib weeraradii lagu Faransiis ee ay sheegatay masuuliyadeeda Kooxda Daacish .

Qaraarkan cusub ee ay Qaramada Midoobay soo saareen ayaa tibaaxaya in dhammaan fadhiisimada gaboodka u ah kooxda Daacish ee guddaha Suuriya iyo Ciraaq la baabiiyo.

Waxa sidoo kale qaraarku ka codsaday in wada-shaqeynta iyo talaabadan ayaa kordhiyaan, qaadaana waxkasta oo loo baahan.

Kooxda Daacish ayaa waxa lagu sheegay qaraarkan in ay tahay halis aan hore loo arag oo ka dhan aha amniga iyo nabadda adduunka.

Faransiis oo ay weeraradii kooxda Daacish gaadhsiiyeen cabsi badan oo dhinaca amniga ayaa waxa uu soo dhaweeyey talaabadan uu Golaha Ammaanku ansixiyeen.

bandhige@gmail.com