Qaramada Midoobay oo booqanaysa Burundi

Qaramada Midoobay iyo ururada xuquuqal insaanka oo ka dayriyey xaalada bani’aadamnimo ee Burundi ayaa waxa maanta booqasho  indho-indhayn ku tegaya xubno ka tirsan Golaha Amaanka.

Xubnahan ayaa waxay dhiiri gelin doonaan wada-hadalada lagu doonayo in lagu soo afjaro qalalaasaha ka taagan Burundi tan markii uu Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday sannadkii hore in uu mar saddexaad u tartamo doorashada Madaxweynenimo ee uu ku guulaystay.

Booqashada xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay noqonaysaa tii labaad ee ku tagaan Burundi tan markii uu ka bilaabmay qalalaasaha rabshada wata ee dadka badani ku naf waayeen iyo qaar kale oo ku baro kacay.

Todobaadkii hore ayey aheyda markii uu Madaxa xuquuqda Aadamaha u qaabilsan Qaramada Midoobay sheegay in ciidamada Burundi gaysteen kufsi wadareed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan bartilmaameedsi ka dhan ah Tutsiga oo ay ka dambeeyaan Hutuga.

Walaac badan ayaa waxa laga muujiyey in qalalaasaha ka socda Burundi uu isku badalo dagaalo ka dhex qarxa Tutsiga iyo Hutuga wada dega Burundi, kuwaas oo marka dambena laga yaabo in uu sii gudbi waddamada la jaarka ah Burundi sida Ruwaanda oo hore uga dhacay.

.

bandhige@gmail.com