Qaramada Midoobay oo caambaraysay dawladda Burundi

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha Zeid Racad al Xuseen ayaa sheegay in uu hayo caddeyn muujineysa in ciidammada Burundi ay kufsadeen haween, xilli ay baadhayeen guryo looga shakiyay taageerayaasha mucaaradka.

Zeid Racad al Xuseen ayaa sheegay in markii uu socday howlgalkaasi ay ciidammada ammaanka afduub iyo  jirdil u geysteen isla markaana dileen tobanaan dhallinyaro ah.

Waxa uu intaas raaciyey in ay tacadiyaddani dhaceen ka dib markii ayaa mucaaridku weeraro ku qaadeen saddex saldhig oo ay ciidamada dawladdu leeyihiin.

Sidoo kale waxa eedaymo sheegaya in ay jiraan xabaal wadareedyo ay lagu aasay dad ay ciidamada dileen.

bandhige@gmail.com