Qaramada Midoobay oo sheegtay in Qasa ay noqon doonto lama-degaan 2020-ka

Haddii sida xaalku hadda yahay uu ku sii socdo Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Qasa ay shan sanno gudaheed ku noqon doonto meel lama-degaan ah iyo gabaahiir aan bani’aadam laga helin.

Warbixintan cusub ee murugada leh waxa laga jeediyey Shirweynihii Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta, waxayna muujinaysaa sida mustaqbalka Falastiiniyiinta Qasa uu godka madow ugu sii dhacayo.

Ayaan-darradani waxay ka dhalatay lix sanno oo ay Qasa ku jirtay go’doon dhaqaale iyo saddex dagaal oo lagu hoobtay oo muddadaa gudaheeda soo maray.

Sida ay warbixintu sheegtay, dagaalladani waxay baabiyeen wax kasta oo u sii hadhsanaa dabaqaddii dhexe ee Falastiiniyiinta Qasa, waxayna qof kasta oo Qasa ku nool ka dhigeen sabool aan heli karin wax uu quuto oo ku tiirsan gargaar dibadeed.

Warbixintu waxay si gaar ah u sheegtay in 72% qoysaska Falastiiniyiinta ah ee reer Qasa aanay wax ay cunaanba haysan, iska daa baayihii kale ee nolosha’e.

“Masiibadan ku habsatay reer Qasa maaha mid dabiici ah, waa dad-samee. Waxa loo baahan yahay in dad kale ay iyaguna sameeyaan siyaasaddii lagaga samato-bixin lahaa” ayay warbixintu tidhi.

Ugu dambayn warbixintu waxay sheegtay in dagaalkii ba’naa ee 2014-kii kadib ay suurtogeli wayday in Qasa dib loo dhiso maadaama loo diiday in ay Falastiiniyiintu dalkooda soo geliyaan wax ka badan 2% agabkii ay u baahnaayeen si ay u soo kabtaan. Waxa intaas dheer in gargaarkii la siin jiray Qasa sannadkan la yareeyey.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com