Qaramada Midoobay ugu baaqday dalalka Yurub in ay aqbasho 200 kun oo qaxoonti ah

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Antonio Guterres, ayaa ugu baaqay madaxda Yurub inay qaadaan tallaabooyin xooggan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dadka muhaajiriinta ah.

Antonio Guterres, ayaa sheegay in Yurub hadda uun ay wajaheyso xilli adag oo kala qaynsanaantoodu faa’iido u tahay magafayaasha dadka tahriibiya.

Codsigiisa ku aaddan in taageero dheeraad ah loo sameeyo dadka muhaajiriinta ah, ayaa waxa uu daba socdaa sidoo kale walaac uu qabo Reysal wasaaraha Hungary oo sheegay in aanay ogolaanayn qaxoontiga fara badan ee qulqulaya, gaar Muslimiinta faraha badan ee dhex maraya waddankiisa.

Boqollaal kun oo dad oo ka soo baxsanaya dagaallada iyo saboolnimada ayaa safaro halis ku ah naftooda ku soo mara badaha iyo berigaba, kuwaas oo hiigsanaya in ay gaadhaan dalalka Yurub.

bandhige@gmail.com