Qaramada Midoobay waxay dhaliileen xulafada Sucuudiga hoggaamiyo

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sucuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen.

Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah

Waxay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedheen tallaabooyin aanay dadka waxay cunaan heleyn oo ay gaajo u dhimanayaan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay.

Xulafada uu horkacayo Sucuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay bartilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.

 

bandhige@gmail.com