Qaramada Midoobay waxay maanta ansixisay heshiiskii nukliyeerka Iiraan

Security Council Meeting: The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2010/447)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aan kala-hadh lahayn u ansixiyey mashruuc sharci ah oo ka qaadaya Iiraan cuno-qabatayntii caalamiga ahayd ee dhaqaalaha .

Iyadoo shuruud looga dhigay in Iiraan ay fuliso wixii dhinaceeda kaga soo beegmay heshiiskii nukliyeerkeeda ee Jineefa lagu saxeexday 14-kii July, Qaramada Midoobay waxay baabiin doontaa cuno-qabataynihii lagu ragaadiyey dhaqaalaha Iiraan, kuwaas oo soo taxnaa laga soo bilaabo 2006-dii.

Sida ku cad qaraarka rasmiga ah ee Golaha Ammaanka, cuno-qabataynaha waxa loo qaadi doonaa si tartiib-tartiib ah.

Go’aanadan waxa Isniintii maanta xaqiijiyey  Gerard van Bohemen oo ah Madaxweynaha Golaha Ammaanka isla markaana Safiirka New Zealand ee Qaramada Midoonay.

Bandhige@gmail.com