Qaramada Midoobey Oo Sheegtay In Hal Qarni Aanay Adduunyadu Arag Masiibo La Mid Ah Coronavirus

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka adduunka ee ‘WHO’ ayaa shaaca ka qaadday in weli ay isku dayeyso xoojinta aqoonta ay u leedahay hababka kala duwan ee uu ku gudbi karo Fayraska Corona.

 

WHO waxa ay sheegtay in adduunyadu aanay muddo hal qarni ah arag Fayras la mid ah Coronavirus,waxa aanay ka digtay in dhammaan dadka adduunku ay halis u yihiin in uu ku dhaco. Iyada oo dhinaca kalana sheegtay in Fayraskani uu dadkii adduunka go’doon kala geliyey kana dhigay maxaabiista oo kale.

 

Dhinaca kalana agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in inkasta oo ay dalal badani ku guulaysteen xakamaynta xanuunkan, dhimashadiisuna hoos u dhacday haddana marka si guud adduunka loo eego uu faafitaanka xanuunkani weli si xawli ah kor ugu sii socdo. Isaga oo ka digay in aanu weli gaadhin halkii ugu sarraysay ee la filan kari lahaa in uu hoos uga soo dhaco.

 

Tedros Adhanom waxa uu sheegay in adduunyadu aanay xanuunkan oo kale arag intii ka dambaysay sannadkii 1918 kii oo ah markii uu dillaacay duraygii Isbaanishka ee adduunka ku dilay tobannaanka milyan ee ruux.

 

Hay’adda Caafimaadka adduunku waxa ay sheegtay in ay jiraan caddaymo muujinaya in COVID-19 uu ku gudbi karo hawada, arrintaas oo aan hore loo ogeyn ayaa ay hadda xaqiijiyeen 239 saynisyahanno caalamiya ah oo baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaadeen in nooc ka mid ah Coronavirus ku uu hawada ku gudbo. Sidaas awgeed waxaa laga digayaa in la isugu yimaaddo goobaha ay dadku ku badan yihiin, iyada oo lagu talinayo in daaqadaha iyo hawada loo furo goobaha xidhan, isla markaana jidh ahaan la kala durko.

 

Coronavirus oo magaalad Wuhan ee dalka China ka dillaacay bishii Diisambar ee 2019 kii ayaa muddadaas toddobada bilood ah waxa uu si xawli ah ugu faafay adduunka oo dhan. Waxa aanu inta la ogyahay illaa hadda (21 Julaay) ku dhacay dad ka badan 14 Milyan, 860 kun iyo 510 ruux, oo ay dhinteen 613 kun iyo 387 ruux oo ka mid ahi.

Xigasho: Geeska Afrika