Qarax ba’an ayaa lala beegsaday magaalo Turkiga ku taal, waxa ku naf waayey 27 qof

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku qudh-baxay 100 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii la qarxiyey xarun dhaqan oo ku taal magaallada Kurdiyiintu degto ee Suruc oo dhacda meel u dhow xadka Turkigu la wadaago Suuriya.

Waxa la sheegayaa in qaraxani dhacay iyadoo dhawr wasiir ay goobta ku sii socdaa si ay shir jaraa’id ugu qabtaan.

Qaraxan ayaa la tuhunsan yahay in lala beegsaday mutodawiciin ka yimid Isanbuul oo isku urursanayey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen arrimaha bani’aadanimo ee ka taagay qaxootiyada ku hareeraysan magaaladan qaraxu ka dhacay ee Suruc kuwaas oo hoy u ah in ka badan 200,000 oo qof oo qaxooti ah.

Waxa farta lagu godayaa in ay qaraxan fulisay kooxda ISIS oo si firfircoon uga hawlgasha soonahaas.

Bandhige@gmail.com