Qarax ba’an ayaa lala beegsaday masaajid ku yaal Kuwayd

Qarax weyn ayaa salaaddii Jimcaha ee maanta lala beegsaday masaajidka Shiicadu ku cibaadaysato ee Imaam Saadiq oo ku yaal magaalo-madaxda Kuwayd. Ugu yaraan 8 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay aad kor ugu kacdo sida ay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi werinayso maadaama dhaawac fara badani ay xaalad halis ah ku jiraan.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayayey in ay dhaawaca badbaadiyaan wakhti uu qiiqu cirka isku shareeray dhismaha masaajidkuna afarta jiho u kala firdhaday.

Kooxda Daacish ama “ISIS” ayaa galinkii dambe ee maanta sheegatay in ay qaraxan iyagu gaysteen.

Amiirka Kuwayd Sabaax Al-Axmad Al-Jaaber Al-Sabaax ayaa booqday masaajidka Imaam Saadiq, kaas oo ku yaal meel aad ugu dhaw Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Baarlamaanka dalkaas ayaa ku baaqay in ay isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn oo ay kaga tashanayaan qaraxan ugubka ah ee ka dhacay Kuwayd.

“Qaraxani wuxu ina xusuusinayaa in aanu jirin waddan ka reebban weerarrada argagixisada” ayuu yidhi Sacad Al Ajmi, Wasiirka Warfaafinta Kuwayd.

Wasiirku wuxu intaas ku daray in Shiicada iyo Sunniyiinta Kuwayd ay xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ah leeyihiin qaraxanina uu yahay wax cusub.

“Waxan u malaynayaa ajandaha kuwa qaraxan gaystay in uu yahay in ay kala geeyaan Sunniga iyo Shiicada Kuwayd” ayuu yidhi Wasiirku.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com