Qarax bam oo ka dhacay Bankook

Qarax bum oo lagu aasay mid ka mid ah geedaha ugu caansan Bankook ayaa waxa ku dhintey ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraa 8 dalxiisayaal ah, sidoo kalena waxa ku dhaawacmay in ka badan boqol.

Qaraxan ayaa dhacay abaaro 6:30 fiidnimo ee xalay, markii ay soo buuxdhaafiyeen waddada Shrines dad cibaadaysanaya iyo dalxiisayaal.

Taliyaha Booliska Taylaan oo ka hadlay qaraxan ayaa waxa uu yidhi:

“Dadkii aasay bumkan, waa dad arxandaran oo doonayey inay dad badan dilaan, aasid bumkanu waxa uu dilaa dad badan, waxaanay doonayeen inay arkaan dad badan oo dhinta.”

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada weerarkan, hase masuuliyiinta ayaa ugu shakisan kooxaha dawladda ka soo horjeeda.

Sidoo kale waxa qaraxan ka hadlay wasiirka Difaaca Taylaan Prawit Wongsuwong waxaanu yidhi:

“Dadka ka danbeeyey qaraxan ee bartilmaamsaday ajaanibka waxay dhaawaceen ilihii dhaqaalaha waddanka gaar ahaan dalxiiska.”

Qaraxan ayaa lagu bartilmaamsaday dad dalxiisayaal ah, waxaanu qaraxani dhaawac weyn ku keeni doonaa ilaha dhaqaalaha dhinaca dalxiiska oo Taylaan ku horumarsanayd.

bankook bum

 

bandhige@gmail.com