Qarax ka dhacay Turkiga

Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 100 qof oo kalena way ku dhaawacmeen kadib marki gaadhi bam lagu soo rakibay lagu qarxiyey magaalada Diyarbakir ee Koonfurbari dalka Turkiga.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday meel u dhaw saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Diarbakir, waxaana weerarka uu dhacay kadib markii ay dowlada xidhay xildhibaanno kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiga.

Howlgallo ay ciidamada amaanka Turkiga sameeyeen ayaa waxaa lagu xidhay illaa iyo 11 xildhibaan iyo dad lala xidhiidhinayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, sida kooxda u janjeerta dhanka bidixda ee xag-jirka ah.

Xafiiska guddoomiyaha gobolka Diyarbakir ayaa sheegay in weerarkaasi ay sheegatay fallaagada Kurdiyiinta ee PKK.

PKK ayaa 30-ki sano ee lasoo dhaafay ka waday Turkiga dagaal ka dhan ah dowlada oo ay ku dooneyso in gobolada Kurdiyiinta ee Bariga iyo Koonfurbari Turkiga helaan madax bannaani.

bandhige@gmail.com