Qarax lagu dhintay oo ka dhacay China

Qarax ugu yaraan laba qof ku dhinteen 30 kalena ku dhaawacmeen ayaa maanta ka dhacay magaalo-xeebeedda Ningbo.

Qaraxa ayaa burburiyey dhammaan dhismihii ku hareeraysnaa goob warshad ah oo uu qaraxu ku dhacay. Dadkii ku dhaawacmayna waxa loo daad gureeyey cusbitaal ku yaala magaalada Ningbo.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa in laba ka mid ahi ay xaalad adag ku sugan yihiin.

Lama garanaya sababta Qaraxa, hase yeeshee ciidamada amniga oo baraha bulshada farriin ku daabacay waxay sheegeen in ay baadhitaan wadaan soona ban dhigi doonaa sababta qaraxa dhalisay.

Bandhige@gmail.com