Qaraxii maanta ka dhacay Shiinaha dhimashadiisu waxay maraysaa 50, dhaawucuna 700

Qaraxyadii maanta ka dhacay deked ku taal magaalo-xeebeedda Tianjin oo dhacda waqooyiga Shiinaha ayaa la xaqiijiyey in ay ilaa iyo hadda 50 qof ku dhinteen iyadoo 700-na dhaawac yihiin.

Qaraxyadan ayaa burburiyey dhismihii muhiimka ahaa ee dekedda, sidoo kale wuxu gubay kumanaan gaadhi, waxana cirka sare lagu arkayaa qiiq sidii kubadda isku duuduubay oo argagax leh.

Gariirka qaraxu wuxu saameeyey dhismayaal teedsanaa ilaa laba kiiloo mitir oo isku wareeg ah, wuxuna khasaare ba’an u gaystay dhismeyaal iyo guryo ka durugsanaa meesha qaraxu ka dhacay.

12 ka mid ah ciidanka dab-demiska ayaa la sheegyaa in ay ku geeriyoodeen iyadoo 36 kalena la la’yahay.

Warbaahinta Shiinaha ayaa werisay in qaraxyadan oo isdaba joog ahaa ay ka dhaceen bakhaar weyn oo ku yaal dekedda Tainjin lagu kaydiyo sunta kimikada ee  halista ah. Bakhaarka waxa iska lahaa shirkadda Ruihai Logistics.

Tianjin waxay ka mid tahay dekedaha dunida ugu mashuulsan. Ugu yaraan hal sarkaal oo ka mid ah Ruihai Logistics ayaa la xidhay si su’aalo looga waydiiyo sababta uu qaraxani u dhacay.