Qaybo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka oo loo Qaybiyay Wakiillada

Fadhigii shalay ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa markii uu goluhu kooram laโ€™aan u furmi waayay waxa uu guddoomiyuhu xoghaymaha ka codsaday in loo qaybiyo Mashruuca Qabyo qoraalka ciidanka Qaranka JSL.

Mashruuca Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka JSL, ayay gacanta ku haysay gudidda gaarka ah ee goluhu u igmaday aas-aaska Mashruuc sharciga Ciidanka Qaranka iyo garsoorka ciidamada JSL.

Guddoomiyaha ayaa markii loo qaybiyay xildhibaanada faray inay soo akhriyaan, waxaanu xusay in aan loo joojinayn cid maqan.

Waxaanu yidhi.โ€œXeer waxa jiray maanta la idiin akhriyilahaa, waa xeerkii ciidamada, xeerkaasi madama la maqan yahay waxaan gartay in la idiin qaybiyo intiina joogta, oo aad soo akhrisataan, oo aan lala sugin nin maqan,โ€