Qiimaha korontana oo aad u jabay waddanka oo dhan iyo Boorama oo aanu waxba iska badalin

Maalamahan waxaa hoos i dhacay sarafka lacagta qalaad gaar ahaan doolarka sidoo kale waxaa suuqyada aduunka qiimo dhac wayni ku yimid sicirka shidaalka, maalmahan suuqayada Somaliland waxaa dolarku gaadhay in halkii lagu badalo lacag u dhiganta 6500 sh/SL ah.

Waxaa isna sidoo kale qiimaha litirkii shidalka ahaa oo awal ahaan jiray 0.9 doolar hada uu gaadhay 0.6 doolar waxaanay taasi micniheedu noqonaysaa in halkii litir ee naafto ah uu gaadhay 3900 oo shilin Soomali land ah halkii uu markii hore ka ahaa  5850 shilin, hadaba waxaa jira in qiimaha korontada bishii la iibin jiray qiimo u dhigama hal doolar oo markaas ahayd 7500 oo shilin, laakiin maanta magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera waxa qiimaha halkii kilowat ee koronta ah laga dhigay 0.6 doolar halka uu wali magaalada Boorama halkisii uun uu taagay yahay.

Si la iskula wada jaan qaado maamulka iyo dadweynahaba waxaa la gudboon in ay qiimo dhimista dhacaday kuwa kalena ay dalka gaadhsiiyaan waxaa ceeb ama sharaf dhac ah in cid waliba sida ay doonto badeecada ku iibiso, magaalada Booramana waxa ay caan ku tahay in qiimaha waxa kor loo qaado halak uu gaadhana aan marna laga soo dejin in waxa lagu sii daro mooyee.

Xasan Ciise