Qiimaha Tigidhada lagu daawado ciyaarah kooxaha waa weyn ee Yurub oo hoos u dhacay

Sannadkii tegay, Qiimaha lagu daawado ciyaaraha kubbadda cagta naadiyada ugu heerka sarreeya Yurub ayaa hoos u dhacay, hoos u dhacay ayaa yimid ka dib markii ay naadiyadda waa weyni hoos u dhigeen qiimaha lagu daawado ciyaartiiba boqolkii 85, sidoo kale waxay sannadka dhammaadka ah ee ay u jirto ay hoos u dhigeeen boqolkiiba afartan oo lagu ogaaday daraasad ay samaysay BBC-du.

Daraasadan oo shan jirsatay sannadkii shanaad ayaa lagu sameeyey qiimaha tigidhada kooxaha Barcelona, Real Madrid, Inter, Ac Milan, Monaco, Paris Saint-Germain iyo Bayer Munich. Kooxahan ayaa dhammaantood waxay hoos u dhigeen tigidhaha kuwo raqiis ah iyo kuwa qaaliga ah.

Waxaa suuragal ah in hoos u dhaca qiimaha tikidhada uu ka dhashay kobaca liita ee dhaqaalaha dalalka ku jira dallada Eurozone-ka, kaasoo sannadkii la soo dhaafay korayay boqolkiiba eber dhibic shan.

Kooxda Biljamka ee Anderlecht ayaa noqotay kooxda ugu tigidhka jaban oo samaysay qiimo dhimis dhan boqolkiiba 85, iyadoo hadda qiimaha tigidhkeedu yahay in ciyaartiiba lagu daawado 5.70 doolar.

Kooxaha kale ee qiima ridista sameeyay waxaa ka mid ah kooxaha Sporting Lisbon iyo Benfica ee dalka Bortiqiiska oo kala badh dhimay qiimaha, iyo kooxda Faransiiska ee Marseille iyo kooxda Spain ee Valencia, labadan kooxood rubac ayey ka hoos u dhigeen qiimaha tigidhada.

Sidoo kale Kooxaha Barcelona iyo Benfica ayaa ah kooxaha ugu tigidhada jabnaa sannadka oo ay waxay ka qaadaan qofkii 112.82 dooar sannadkii.

Koox Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates waxay sannadkii qofkii daawasho u tago laga qaadaa $3,000 halka labada kooxood ee ka dhisan magalaada Milano ay qaadaan $2,500 sannadkii.

Kooxaha Manchester City, Manchester United, Arsenal iyo Chelsea ayaa dhammaantood qiimo dhimis ku sameeyey qiimaha tigidhada lagu daawado ciyaarahooda kuwo jaban iyo kuwo qaaliyaba, marka laga reebo kooxda Manchester City oo aan wali jabinin tigidhada qaaliga ah.

bandhige@gmail.com