Qoys Kurdiyiin ah oo gabadhoodii helay 27 sano ka dib

Qoys Kurdiyiinta reer Ciraaq ah ayaa gabadh yar oo ay dhaleen waayay waxaana ugu danbeysay sanadkii 1988kii markii uu Sadaam Xuseen sunta ku buufiyey tuulada la yidhaahdo Xalabja ee ku taala dhulka la yidhaahdo Kurdistaanta Ciraaq.

Gabadh oo hada Maryam loo yaqaan horese  loogu bixiyey Honaan ayaa waxa ay tidhi hooyadeed markii dhibku nagu dhacay ayaan waxba kala arki waayey dhakhtar baa la i dhigay waxaana aan soo baraarugay qoyskii oo aan cidi ka joogin waana la ii sheegi waayey mee ay kala mareen.

Honaan ama Maryam ayaa tidhi:

“Waalidkii i korsadey ee reer Iiraan ayaa maalin igu yidhi markii aan gaadhay 17 jir in aanan Iraaniyad ahayn ee aan ahay kurdiyad waxaanay taasi igu kaliftey in aan raadiyo reerkayagii kaasi oo aan aakhirkii ku guuleystay.”

Waxa dhib yareeyey in reerahaas 27ka sano kala maqnayn in aanu is helno ka dib markii DNA ga gabadha iyo kan reerka la isku eegay ayna isku mid noqdeen, farxadii ayaa isku badashay qaylo iyo oohin aan kala go’ lahayn.

Halkan ka daawo muuqaalka warbixintaas oo aan ka so xiganay boga aljazeera.net: