Qoys Muslimiin Ingiriis ah oo loo diiday in ay raacaan diyaarad ay Maraykan ku tegi lahaayeen

Maxamed Taariq Maxamuud iyo 10 xubnood oo qoyskiisa ah oo ay sagaal carruur ahi ka mid ahaayeen oo fasax u tagayey Los Angles ayaa laga hor joogsaday in ay diyaaradda fuulaan iyagoo soo maray dhammaan nidaamkii socdaalka ee u yaallay Ingriiska.

Arrinta la-yaabka lihi waxa weeyi in qoyskani ay fiisaha ay Maraykan ku tagayaan heleen laba toddobaad ka hor isla markaana ay jinsiyaddoodu Ingiriis tahay walow ay asal ahaan ka soo jeedaan Baakistaan.

Maxamed Taariq oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay in diyaaraddii Norway laga lahaa ee ay raacayeen ay u sheegi kari wayday sababta loogu diiday in ay duulaan iyo sababta loola sugay markii ay qabsan lahaayeen sallaanka diyaaradda.

“Waxanu garan waynay wax aan u sheegno carruurtii faraxsanahayd ee fasaxa diyaarka u ahayd. Waayo wax naloo sheegay haba yaraatee ma jirto. Waxan u fahanay sababta sidan naloogu niyad-jebinayaa ay tahay diintayada oo Islaam ah”

Hase ahaatee xukuumadda Maraykanka ayaa sheegtay in sababta qoyskan diyaaradda looga reebay aanay xidhiidhi la lahayn diinta ay haystaan.

Xildhibaano ka tirsan xukuumadda Ingiriiska oo arrintan ka xanaaqay ayaa xukuumadda Maraykanka ka dalbaday in ay tafaasiil ka bixiyaan sababta ay dhacdadani ugu dhacday qoys dalkoodii jooga.

Bandhige@gmail.com