Qoys Yuhuud ah oo toogasho lagu dilay Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta

Eiran Henkin iyo Naama Henkin oo ahaa lammaane ku jiray da’da soddonaadka ayaa lagu khaarajiyey Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta Khamiistii kadib markii nin dablay ah oo aan la garanayni uu baas ku furay.

Lammaanaha ayaa markiiba naftu ka baxday hase ahaatee waxa dhaawac ah laba carruur ah oo ay dhaleen oo gaadhiga la saarnaa.

Ilaa hadda lama garanayo cidda dishay laakiin waxa loo badinayaa in uu yahay Falastiini ka gadoodsanaa siyaasadda Israa’iil ee la xidhiidha masaajidka Aqsa.

Dilka qoyskani wuxu ku soo beegmayaa kadib markii uu shalay Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu uu golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay u sheegay in uu diyaar u yahay nabad iyo soo-celinta wada-xaajoodkii u dhexeeyey Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta si loo helo laba dawladood oo madax-bannaan oo jaar ah.

Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa wada-xaajoodyo googoos ah oo guuldaraystay waday labaatankii sanno ee ka dambeeyey heshiiskii Oslo ee Bill Clinton u kala saxeexay Yaasir Carrafaat iyo Isxaaq Rabiin, kaas oo aan hano-qaadin.

Bandhige@gmail.com