Qoyska gabadha ugu quruxda badan Ciraaq oo qaxay kadib markii inantoodu isla sawirtay qalanjada Israa’iil

Bidix: Adar (Ms. Israel), Midig Sahra (Ms Ciraaq)

Qoyska Sahra Iidaan oo ah  gabadhii sannadkan ugu quruxda badnayd Ciraaq ayaa ka qaxay dalkooda kadib markii ay dadka reer Ciraaq aad uga cadhoodeen Sahra Iidaan oo isla sawirtay gabadha sannadkan ugu qurux badnayd Yuhuudda oo magaceeda la yidhaa Adar Gandelsman markii uu socday tartanka quruxda gabdhaha kaas oo ka dhacay magaalada Las Vegas, cariga Maraykanka. Sidaa waxa daabacay wargeyska caanka ah ee Daily Mail.

“Sahra Iidaan qosykeedii way ka qaxeen Ciraaq, kadib markii ay soo food saartay cabsi la xidhiidha sawirkii ay aniga ila gashay. Iidaan markii ay sawirkan soo dhigaysay waxay uga gol lahayd in ay dunida tusno in ay suurtogal tahay in nabad lagu wada noolaan karo” ayay tidhi Adar Gandelsman oo u warrantay wargyeska Times of Israel.

Bidix: Adar (Ms. Israel), Midig Sahra (Ms Ciraaq)

“In ay sawir ila gasho ayay Adar i waydiisatay, anna waan ka aqbalay. Waxay igu tidhi waxan rajaynayaa in nabadi ka dhalato Islaamka iyo Yuhuudda dhexdooda sidaa daraadeed carruurtaydu askar noqon maayaan. Aniguna farriintaa waan ku raacsanaa” ayay tidhi Sahra iyadoo qoraal Carabi ah soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram.

Sahra Iidaan laga soo bilaabo 2003-dii waxay la shaqaysaa ciidamada Maraykanka, kadib markii uu dalkoodu hoy u noqday ciidamo badan dagaalkii  Ciraaq kadib. Haseyeeshee dhawaan ayay u guurtay Los Angles halkaas oo ay waxbarasho sare u tagtay.

Dhacdadan ayaa dunida mar kale u muujisay ilaa heerka uu gaadhsiisan tahay colaadda dhex taalla Muslimiinta iyo Yuhuudda.

Bandhige@gmail.com